Khilaafkii Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo la dhameeyay

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka ayaa looga hadlayay khilaafka cusub ee dhowaanahan ka dhex aloosanaa Guddoomiye Xaashi iyo Mahdi Guuleed, iyadoo la isku afgartay in la dhameeyo madmadowgii soo kala dhexgalay, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale, Xafiiska ayaa sheegay in labada masuul oo ugu sareeya siyaasiyiinta gobalada Waqooyi ee jooga Muqdisho, ay isla garteen in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment