Gantaalo lagu weeraray garoonka Baqdaad oo waxyeelo u geystay dayuurad rakaab ah

Bulsha:- Ugu yaraan saddex gantaal ayaa ku dhacay garoonka caalamiga ah ee Baqdaad iyo meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee Maraykanka.

Mid ka mid ah gantaalada ayaa waxyeello u geystay mid ka mid ah dayuuradaha rayidka ah, sida ay sheegeen booliiska Ciraaq.

Ilaha booliisku ma sheegin khasaare kale ama dhaawac kale. Diyaaradda burburtay ayaa ahayd mid aan la isticmaali karin, waxaana iska lahaashirkadda diyaaradaha Iraq Airways, sida ay sheegeen.

Saldhigga ciidamada cirka ee Maraykanka oo loo yaqaano Camp Victory, waxa uu ku yaalaa agagaarka madaarka rayidka ee Baqdaad.


Weerarada gantaalada ah oo ay Maraykanka iyo qaar ka mid ah saraakiisha Ciraaq ku eedeeyaan kooxaha shiicada ah ee taabacsan Iran ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Maraykanka ee gobolka ayaa si joogto ah u garaacayay xarunta sanadihii u dambeeyay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment