Jaamacadda Ummada oo maanta ay ka qalinjebinayaan 45 arday oo dhamaysatay waxbarashada Saxaafada

Bulsha:- Inkabadan 40 arday oo dhammaystay heerka koowaad ee Jaamacadda oo bartay aqoonta Saxaafadda ayaa maanta ka qalinjebineysa oo ay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Waa dufcaddii ugu horraysay oo muddo 30 sannadood ka badan Jaamacadda Ummadda ka qalinjabinaaya iyaga oo bartay Saxaafadda.

Waxa ka mid ah, arday isaga oo Kulliyadda Saxaafadda dhigta ay dagaalladii sokeeya ka bilaabmeen Muqdisho, ka dibna sidaas ku waayay fursaddiisii waxbarasho.

Markii Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda dib loo furay sannadkii 2017kii ayuu mar kale Jamaacadda ku soo biiray.

Muddo 30 sannadood ah ka dib, hadda waxa uu diyaar garoobayaa in uu qalinjabiyo.

Jaamacadda Ummadda ayaa ah Jaamacaddan kaliya ee ay maamusho dawladda Soomaaliya ardayduna ay wax ku bartaan lacag la’aan.

Qaar ka mid ah ardayda ka qalinjabiyay Jaamacadda ayaa fursado deeq waxbarasho ah ka helay dalka Talyaaniga sannadihii ugu dambeeyey.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment