QARAX :- Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhaawacmay qarax lala eegtay

Bulsha:- Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyey in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, isla-markaana lala beegsaday afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale sheegay in Booliska uu dib ka bixin doonto faah faahinta khasaaraha ka dhashay weerarkan qaraxa loo adeegsaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaawac Uu soo gaaray afhayeenka xukuumadda, isla-markaana loola cararay isbitaalka.

Sidoo kale waxaa haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa, waxaana daad gureynaya gaadiidka gurmadka deg degga ah.

Xaaladda goobta ayaa aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment