Fahad Yaasiin oo kulan xasaasi ah la yeeshay Guudlaawe maxay ka wada hadleen??

Bulsha:- Fahad Yaasiin ayaa kulan socdey ilaa afar saacadood kula qaatey saakay Decale Airport Hotel kula yeeshay Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe.

Macluumaadka ay  heshay warbaahinta  ayaa tibaaxaya in kulan uu dhacay kahor inta uusan Guudlaawe maanta u ambabixin magaaladda Jowhar, ee Caasimadda maamulka uu hogaamiyo ee HirShabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka Fahad iyo Guudlaawe ahaa mid qarsoodi ah, oo albaabada u xirnaa, oo xitaa loo diiday inay qolka galaan ilaalada gaarka iyo shaqsiyaad kale oo labada dhinac la socday.

Arrimaha Fahad kala hadlay Guudlaawe waxaa kamid ah Kursiga Gollaha Shacabka ee uu doonayo inuu ku fariistay, kaasoo degaan doorashadiisu tahay Beledweyne, oo katirsan maamulka HirShabeelle .

Kursigan waxaa mudo dheer ku fadhiyay Faarax C/qaadir oo Damul-Jadiiid katirsan, waxaana sanadkan doonaya Fahad Yaasiin, oo siyaadda Soomaaliya ku dakanoobay mudo-xileedkii Farmaajo.

Fahad ayaa u xusul-duubaya in degaan doorashadda kursiga ooh adda tahay Beledweyne in loo soo wareejiyo Jowhar, maadaama Muqdisho u dhawdahay, islamarkaana uu amnigiisa ku halleyn karo.

Sidoo kale, Cali Guudlaawe ayaa xalay madaxtooyadda Villa Soomaaliya kula kulmay Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna kawada hadleen arrimo dhowr ah.



Fahad ayaa tan iyo markii uu fashilmay isku-daygii afgembiga 27-kii December, wuxuu deganaa Decale Airport Hotel, maadaama kacdoon ku furmay, isagoo ka baqayay in Ciidanka Badbaado qaran galaan Madaxtooyadda kadibna isaga iyo Farmaajo lagu dilo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment