Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay arbacadii Muqdisho

Bulsha:- Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay arbacadii lasoo dhaafay agagaarka saldhioga ciidamada Cirka ee Afisiyooni, waxaana qaraxaasi lala beegsaday gaadiid ay la socdeen saraakiil cadaan ah.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxa la beegsadeen saraakiil ajnabi ah.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyay weerarka ismiidaaminta ah, waxaana Idaacadda Al Shabaab laga sii daayay wareysi uu bixiyay ninkan kahor inta uusan ninkan is qarxin.

Qaraxa waxaa fuliyay Maxamed Aadan Gureey oo ah 44 sano jir u dhashay beesha Gaaljecel gaar ahaan jufada Dirisame, ninkan ayaana Al Shabaab ku biiray sanadkii 2011-kii, waxa uuna intii uu kooxdaasi katirsanaa ka qeyb galay dagaalo badan.

Al Shabaab ayaa inta badan wareysiyo ka duubta raga fuliya weerarada ismiidaaminta ah, waxaana Al Shabaab sii daayaan wareysiyada laga qaado raga is qarxiya marka uu qaraxa fuliyo kadib ayna kooxda gaarto hadafkii ay qaraxaasi ka laheed.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment