Iran oo wacad ku martay inay u aargudi doonto Soleimani haddii Trump aan maxkamad lasoo taagin

Bulsha:- Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi, oo ka hadlayey sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay dilkii Maraykanku u geystay Jeneraal Qasem Soleimani, ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ay waajib ku tahay inuu wajaho maxkamad ku saabsan dilkaas.


Iran iyo kooxaha xulafada la ah ee Ciraaq iyo waddamo kale ayaa sameeyay munaasabado lagu maamuusayo Soleimani oo ahaa taliyaha ciidamada Quds, garabka dibadda ee ilaalada Kacaanka ee ciidanka Iran.

Waxaa lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn January 3, 2020 oo ka dhacay waddanka Ciraaq, kaas oo uu amray madaxweyne Trump.

"Haddii Trump iyo (Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mike) Pompeo aan maxkamad caddaalad ah lagu soo taagin fal dambiyeedka lagu dilay General Soleimani, Muslimiintu waxay qaadi doonaan aargudasho shahiidnimo ah," ayuu Raisi ku yiri hadal uu jeediyay Isniintii.

“Qofka gardaran, gacan ku dhiiglaha iyo dambiilaha ugu weyn – waa madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas – waa in maxkamad la soo taago oo lagu xukumo sharciga (Islaamka) ee qisaasta ah, xukunka Allena waa in lagu fuliyaa isaga,” ayuu Raisi ku daray.

Saraakiisha garsoorka Iran ayaa la xiriiray mas’uuliyiin ka tirsan sagaal waddan kadib markii ay magacaaben 127 tuhunsane oo ay ku jiraan 74 u dhashay Mareykanka oo ku lug lahaa kiiskan, waxaana liiskan ugu horreeya Donald Trump, sida uu sheegay dacwad oogaha guud ee dalka Iran Mohammad Jafar Montazeri.


Maalmo ka dib markii uu dhacay dilka Jeneraal Qasem Soleimani, Mareykanka ayaa Qaramada Midoobay u sheegay in dilkasi uu ahaa mid isdifaac ah. Xeer Ilaaliyahii Guud ee Maraykanka William Barr ayaa sheegay in Trump uu si cad u leeyahay awoodda uu ku dili karo Soleimani, Jeneraalkuna uu ahaa "bartilmaameed militari oo sharci ah".

Reuters.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment