Dibad baxayaal careesan oo Shinni u adeegsaday booliis doonayay in ay kala eryaan

Bulsha:- Magaalada Santiago ee caasimadda dalka Chili waxaa ka dhacay dibad bax ay dhigayeen beeralayda dhaqata shinnida, kuwaa oo ka cabanayay suuq xumo soo wajahday iyo abaarta dalkaasi ka jirta oo saameyn ku yeelatay dhaqashada shinnida.

Dibad baxayaasha oo watay sanduuqyo ay ka buuxaan shinni badan ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada dalka Chili ee kutaala Santiago , waxa ayna dalbanayeen in dowlada ka taageerto dhaqashada shinnida.

Ciidamada booliiska oo isku dayay in ay kala eryaan dibad baxayaasha kana qaadaan afaafka hore ee madaxtooyada sanduuqyada shinnida ka buuxday ayaa lagu fasaxay shinni badan taa oo keentay in booliiska naftooda la baxsadaan.



Qaar kamid ah saraakiisha booliiska ayaana la sheegay in shinnida qaniintay, waxaana markii dambe beeraleyda dhigeysay banaan baxa lagu qanciyay in ay guryahooda ku laabtaan waxna laga qabanayo cabashadooda.


Masuuliyiin katirsan wasaaradda beeraha ee dalka Chili ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhibaatada soo wajahday beeraleyda shinnida isla markaana ay waxka qabanayaan xaaladdooda lana tix galin doono.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment