Ra'isul Wasaaraha Haiti oo ka badbaaday isku day dil

Bulsha:-  Ra’isulwasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa sheegay inuu ka badbaaday shirqool lagu khaariji rabay, xilli uu ka qeybgalayay munaasabadda xuska xorriyadda dalkaas oo dhacday Sabtidi aanu kasoo gudubnay.

Bayaan xalay kasoo baxay xafiiska ra’isulwasaare Henry ayaa lagu sheegay, in isku dayga dil ay ka danbeeyeen “burcad iyo argagixiso” kuaas oo isku dayay in ay toogtaan ra’isulwasaaraha xiili uu ku sugnaa kaniisadda magaalada Gonaives ee Waqooyiga Haiti, halkaas oo ay ka dhaceysay munaasabadda sannadguuradi 218-aad ee madax-bannaaniada Haiti.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Henry iyo kaaliyaashiisa oo u ordaya gaadiidkooda, xilli ay rag hubeysani rasaas ka ridayeen bannaanka kaniisadda.

Warbaahinta Haiti ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku lug leeyihiin koox burcad ah. Hal qof ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment