Daawo:- Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay Xubno ka tirsan Al-Shabaab & hubkooda

Bulsha:- Taliska Hay’adda Nabadaugida iyo Sirdoonka ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo eee Xarunta Gobolka Baay kusoo bandhigay Saddex Xibnood oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab balse isku soo dhiibay  Ciidamada.

Saddexda Xubnood oo dhalinyaro ah ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Aadan, Cabdiraxmaan Xuseen Sheekh Maxamuud & Ugaas Xuseen Nuur, waxaana mid kamid ah uu watay Qoray nooca AK47 iyo Booshkiisa, waxaana Saddexdooda ay ka qeyb qaateen weeraro ka dhacay Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Saddexda Xubnood ee ka tirsanaa Al-Shabaab ee isku soo dhiibay Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen in sababta ay uga soo baxeen Al-Shabaab ay tahay cunaqabateynta ay ku hayaan Shacabka kunool qaar kamid ah degaannada Koonfur Galbeed, iyaga oo ugu baaqay Xubnaha kale ee ku harsan inay isaga soo baxaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa kordhay tirada xubnaha isu soo dhiibaya Dowladda Soomaliya ee ka tirsan Al-Shabaab, waxaana todobaadkaan kaliya degaannada Koonfur Galbeed iska soo dhiibay ilaa 5 Xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment