Dagaal:- Weerar lagu dilay Saraakiil katirsan Booliska Kenya

Bulsha:- Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexeysa degaannada  Kullan iyo Liboi gaar ahaan meel lagu magacaabo wara cadcad oo qiyaastii 17 kiiloomitir u jirta magaalada Liboi, waxaana lagu dilay Afar kamid ah Saraaliisha Ciidamada Booliska Kenya.

Saraakiiaha la dilay ayaa kamid ahaa booliska keydka ee KPR-ta ee deegaanka Dadaab, waxaana la rumeysan yahay inay weerarkaasi ka dambeeyeen burcadda jidka gasha oo bartilmaameedsaday baabur ay saarnayeen ciidamada dhintay oo xilligaasi gudanayay waajibaadkooda shaqo.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Ammaanka Kenya ayaa gaaray halka uu weerarka ka dhacay , iyaga oo wada baaritaano la xiriira sidii loo aqoonsan lahaa ama Gacantaoogu soo dhigi lahaa.

Dhowr jeer ayaa waxaa weeraro ay ka dambeeyeen Kooxo burcad ah ka dhaceen Jidka isku xira Dadaab iyo Liboi, kuwaas oo dadka wadada isticmaalaya dhac iyo dil u geeysanaya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment