Taliska NISA oo aan u hoggaansamin amarkii Wasiirka Amniga

Bulsha:- Taliska Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaan weli u hoggaansamin amarkii Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ee ahaa inay Ciidanka NISA ka saaraan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa 1-dii bishan Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) faray in ciidamada uu ka soo saaro garoonkaasi, laga bilaabo 2-dii bishan.

Wasiirka ayaa xilligaa warqad uu soo saaray ku sheegay “Ka dib markii ay bateen cabashooyinka ay ka soo gudbiyeen Hay’adaha Dowladda ee ka hawlgala gudaha garoonka, Ciidamada NISA oo ku kaca xadgudubyo isugu jira gacan-qaad iyo handadaad joogto ah, lehna caddeymo buuxa.”

Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay “Ma jirto wax ciidan oo NISA ah oo ka hawlgelaya ama hub la geli kara gudaha garoonka, marka laga reebo ciidamada ku sugan xarumaha amniga ay ku leeyihiin Ciidanka Waran iyo Gaashaan ee gudaha garoonka.”

Toddobaad ka dib amarkii Wasiirka ayaa u muuqdo mid aan shaqeynin, haddii aanu waxba iska bedelin jooggitaankii ciidamadaasi ee garoonka.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ee ka hawlgala Garoonka Aadan Cadde ayaa Universaltv u sheegay in ciidamadaasi ay weli sidoodii u jooggaan garoonka, wax is bedel ahna aanu jirin.

Sidoo kale Howlwadeenada Garoonka Aadan Cadde ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidanka Dharcadka ee Hay’adda NISA ay weli si buuxdo uga hawlgalaan garoonkaasi.

Warbaahinta ayaa fahamsan in sababaha aanu u dhaqangelin awaamiirta Wasiirka Amniga ay la xiriirto khilaafka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.


Khilaafka labada hoggaamiye ayaa dib u soo cusboonaaday daba-yaaqadii bishii December, ka dib markii ay isku qabteen arrimaha doorashooyinka ee dalka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment