Ciidanka dowladdu geysay Bakaaraha xal ma u noqon karaan dhibaatada Daacish?

Bulsha:- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Saaka ciidamo geysay Suuqa Bakaaraha kadib markii goobo badan ay u xirmeen Kooxda Daacish.

Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Khamiistii faray wasiirka Amniga inuu la yimaado qorsho wax looga qaban karo culeyska heysta Ganacsatada Reer Muqdisho, gaar ahaan kuwa Suuqa Bakaaraha.

Saaka wuxuu Suuqa ku waabariistay ciidamo ay soo dhigtay Dowladda wadooyinka, Ciidanka la geeyey waxay isugu jiraan kuwa Boolis ah iyo kuwa Nabadsugid.

Sida la xaqiijiyey, cilidanka waxay Ganacsatada ku amreen in dib loo furo goobaha u xiran Amarka kooxda Daacish.

Goobo badan ayey Saaka fureen ciidanka Dowladda, laakiin in goobta xoog lagu furo ama xoog lagu xiro daawo uma ahan dhibaatada taala Suuqa Bakaaraha sida ay sheegayaan ganacsatadu.

Daacish waa culeys sax ah oo jira oo baahan xal buuxa oo lagu wajaho ayey leeyihiin ganacsatada Suuqa Bakaaraha kuwaas oo aaminsan in ciidan Maalin ama Laba maalin la keena Suuqa inaysan xalin karin kooxda.

Waxaa la aamisan yahay inaysan kooxda u baahneyn inay suuqa dhex timaado, waxaana inta badan la sheegaa inay banaanka iyo xaafadaha ku ugaarsato ganacstada diida amarkooda.

Waxaan waydiinay ganacstada qaar waxa ay ku kala duwan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish xagga la macaamilka ganacsatada, waxayna sheegeen in Shabaabku leeyihiin hanaan toosan oo ah goob la tago, warqad caddeneyso lacag bixinta, qaab haddii aadan xilligaas lacag heyn aad u yar yareen kartid, koox kula doodeysa iyo goobo aad u dacwoon karto haddii waaxda maaliyadda isku daydo wax ka badan wixii la isku ogaa.

Balse dhanka Daacish waxay sheegeen inaysan laheyn goob la tago, kaliya waxaa la sheegay inay wataan magaca goobta Ganacsiga, magaca milkiilaha iyo taleefoonkiisa, kadibna amar ka culus midka Al-Shabaab ayey dul dhigaan ganacsatada.


Sidoo kale waxaa la sheegaa in lacagaha loogu diro taleefano kala duwan halka Shabaabka ay Akoono ku qaataan.

Bixinta lacagtaan baada ah ganacsatada qaar waa qabatimeen iyadoo qaarkood lagu eedeenayo inay mararka qaar diidaan canshuurta Dowladda Federaalka ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment