Guddoomiyaha G/Hiiraan oo ka digay ‘QORSHE uu R/W ROOBLE damacsan yahay’

Bulsha:- Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Hiiraan iyo hadal heynta xooggan ee ka dhalatay ciidamada la geeyey magaalada Beledweyne.

“Ciidankaas wuxuu u yimid waajibaad qaran, ujeedkooda koowaad waa inay la dagaalamaan Al-Shabaab kuwaas oo hareereeyey magaalada, waad ogtihiin iskuma furna Beledweyne iyo Buulaburde, Buulaburde iyo Jalalaqsi iskuma furna, Beledweyne iyo Maxaas iskuma furna, Matabaan iyo Beledweyne iskuma furna, ma jirto meel noo fiyow,” ayuu yiri Guddoomiye Cali Jeyte.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in ujeedada ay dowladda federaalka ah ciidamada u keentay Beledweyne ay tahay inay shacabka u adeegaan.

“Sababta looga qeylinayo ma fahmin aniga , wax kasta in dhinaca xun laga fiiriyo maahan, ciidamadaan waa ciidankiinii, waa wiilashiinii, waa ciidan Soomaaliyeed, waxaa loo keenay inay idiin adeegaan, talada lagu keynana waxbaa ku lahaa,” ayuu sii raaciyey.

Jeyte ayaa siyaasiyiintii dhawaan shirja jaraa’id ku qabatay Muqdisho ee kasoo jeeday Gobolka Hiiraan ku tilmaamay inay yihiin kuwa baaga muudo ah isla markaasna wuxuu tilmaamay in warkooda uusan meel kasoo qaad laheyn.

“Qolada saaxiibadey ah ee hadda baagamuudada ah ee maalin dhaweyd hadashay wax weyn oo wax dhibayo malahan, sababtoo ah mar kasta oo isbadal siyaasadeed yimaado ama xaaladu soo gaarto darbiyo isku qaad qaad waa jiri jiray waligeed.”

Jeyte ayaa dhanka kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyey inuu  siyaasadeenayo ciidanka soo gaaray Beledweyne, wuxuuna si ad ugu soo horjeestay shirkii Golaha Wasiirada ee laga soo saaray in dib loo soo celiyo ciidamada la geeyey Beleweyne.

Wuxuu shaaciyey qorshe uu Ra’iisal wasaare Rooble doonayo inuu doorashada uga wareejiyo magaalada Beledweyne.

“Waxaa la yaab leh oo wax laga naxo ah in Ra’iisul wasaarihii dalka uu shiriyo wasiirada xukuumadda, kuna dhawaaqo in lasoo celiyo ciidamada magaalada Beledweyne la keenay, waliba iyadoo ay nagu hareereysan yihiin Al-Shabaab,” ayuu yiri Cali Jeyte .

“Doorashada dalka waa laba deegaan doorasho, haddii magaalada Beledweyne ay ka dhici weyso doorasho waxaa mas’uuliyadeeda qaadayo Ra’iisul Wasaaraha Dalka, sababtoo ah isagaa Farmaajo ka dalbaday in lagu wareejiyo doorashada iyo amnigeeda, awoodda looma adeegsado dadka aad madaxda u tahay.”

Hadalka Guddoomiye Jeyte ayaa kusoo aadayo xilli uu muran ka taagan yahay ciidamo ay Dowladda Federaalka ah geysay Magaalada Beledweyne, kuwaas oo la rumeysan yahay in loo adeegsanayo boobka doorashada 25-ka Kursi ee taalo Magaaladaas.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment