Yuusuf Garaad oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray doorashada – “Afduubasho ma aha ee waa AFDUUB”

Bulsha:- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar oo haatan ah ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo saaray qoraal xasaasi ah oo ku aadan doorashooyinka 2021-ka ee haatan ka socda dalka.

Yuusuf Garaad ayaa tusaale cajiib ah ka bixiyey doorashada, isaga ku cabiray erayo kooban oo uu tilmaam uga bixiyey ergada wejiyadooda qarisay iyo ‘boobka’ doorashada socota ee Golaha Shacabka.

“Afduubasho ma aha ee waa afduub. Waa la afduubay ee lama afduuban,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Yuusuf Garaad Cumar.

Qoraalkan ayaa dhaliyey hadal heyn xoogan, waxaana ka falceliyey dad fara badan oo qaarkood su’aallo ka keenay hadalka wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale Yuusuf Garaad ayaa markale fasiraad ka bixiyey qoraalkiisa, isaga oo la wadaagay dadweynaha ku xeran boggiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

“In dan loo afduubtay iyo in duul kale loo afduubay waa sababta afduubka, laakiin falka dhacay waa afduub. Markaa waa la afduubay,” ayuu ku yiri sharaxaaddiisa.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo dood xoogan ay hadda ka taagan tahay sida ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka oo ay qaadaceen musharixiinta mucaaradka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay doorashooyinka 2021 oo aad uga dib dhacday waqtigii loo qorsheeyey in la qabto.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment