NORWAY oo hal shardi ku xirtay taageeradeeda doorashada Soomaaliya

Bulsha:- Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda dowladda Norway ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2021-ka ee haatan ka socda dalka.

Norway ayaa ballan qaaday inay taageereyso Soomaaliya, balse waxa ay ku xirtay taageeradeeda in doorashadu noqoto mid xalaal ah, kalsooni leh, kuna dhacda nabad.

“Norway waxay taageereysaa baaqa caalamiga ah ee ah in doorasho xalaal ah, lagu kalsoonaan karo oo nabad ah ay ka dhacdo Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalkan oo lasoo dhigay barta ay safaaradda ee Twitter-ka ayaa waxa lagu sheegay in la joogo waqtigii laga gudbi lahaa doorashada si loo wado geediga socda ee horumarka dalka.

“Waxaa la joogaa waqtigii laga gudbi lahaa doorashada oo dib loogu laaban lahaa dhabbaha dib u habeynta iyo horumarka mustaqbalka fog” ayaa markale  lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Norwayayaa sii raacisay “Hadii la helo hogaan wanaagsan, waxaan ku qanacsanahay in Soomaaliya ay horumar ka gaari karto heerka xiga,”.

Dowladda Norway ayaa ka mid ah dowladaha Yurub ee taageera Soomaaliya, waxayna qeyb ka aheyd baaqii ugu dambeeyey ee ay beesha caalamka kasoo saartay doorashada.


Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan dood culus oo ka dhalatay doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment