Sawirro: R/W Rooble oo shir muhiim ah ka daah-furay Muqdisho + Ujeedka

Bulsha:- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir ballaaran ka daah-furay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb-galayaan aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ururada bulshada rayidka.

Shirkan oo loogu magac daray taabagelinta geeddi socodka dowladnimada ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay daaha doorahooyinka.

Rooble oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa shaaca ka qaaday inuu ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loo baahnaa, si looga tala bixiyo xaaladda haatan lagu jiro.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in shirkan lagu uruurinayo aragtida ka qayb-galayaasha si talooyinkooda loogu adeegsado xiliga kala guurka ah ee lagu jiro.

Aqoonyahanada iyo xubnaha ka socda bulshada rayidka ayuu ugu baaqay in dowladda ay ku gacan siiyaan xaaladda adag ee uu haatan dalka ku jiro iyo doorashooyinka socda.

Sidoo kale waxaa shirka qeyb ka ah hay’ado caalami ah, gaar ahaan kuwo ka socda Qaramada Midoobay oo haatan si dhow ula socota xaaladda guud ee dalka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad cakiran oo ka dhalatay kala guurka iyo dib u dhaca ku yimid jadwallada doorashooyinka 2021-ka ee ka socda dalka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment