Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay taliyaha Ciidamada AMISOM

Bulsha:- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidamada AMISOM, Janaraal Diomede Ndegeya, iyaga oo ka wada hadlay waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM.

Intii uu kulanku socdey waxaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran, iyada oo qorshaha kala-guurka lagu salaynayo heshiisyadii hore loo gaarey iyo waaqica jira, maadaama waajibaadka shaqo ee ciidammada AMISOM uu ku egyahay bishan December.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay qaabka ay isu la falgeli lahaayeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeeed iyo kuwa AMISOM iyada oo mar walba masuuliyadda jihaynta ay leeyihiin Soomaalidu.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment