XOG: DENI oo ka hor-yimid qorshaha ay wadaan Midowga Murashaxiinta Madaxweyne

Bulsha:- Puntland ayaa ka hortimid qorshe laga cabsi qabo inay ku dhaqaaqaan Midowga Murashaxiinta oo ah inay dhisaan gole qaran oo dalka maamula, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Mowqifkan ayaa waxaa laga soo xigtay madaxweynaha maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni, intii uu socday shir khadka Zoom-ka ku dhex-maray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada oo dhacay 29-kii November.

Shirkaas ayaa ra’iisul wasaaraha wuxuu madax goboleedyada kala hadlay sida doorashada dalka loogu dhigi lahaa mid daahfuran oo lagu qanci karo, wuxuuna la wadaagay walaaca uu ka qabo in mucaaradka ay qaadaan tallaabo dalka gelin karta qalalaase siyaasadeed haddii ay dhisaan gole qaran ama ay billaabaan hanaan doorasho oo dhinac socda kan ay wadaan xukuumadda iyo maamul goboleedyada.

Midowga Murashaxiinta ayaa u arka maamullada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed inay u adeegayaan Villa Somalia, taasi oo qiil uga dhigteen inay qaadacaan doorashooyinka. 

Si kastaba, Saciid Deni ayaa Rooble u sheegay in maamulkiisa uusan ku raacsaneyn aragtida Midowga Murashaxiinta, uuna taageersan yahay in doorashada lasii wado balse la saxo qaladaadka jira.

“Madaxweyne Deni ma taageersan hindisaha Midowga Murashaxiinta ee ah inay dhisayaan dowlad dhinac socota tan federaalka, haddii aan dalabyadooda la fulin, waana taas sababta uu u diidan yahay qaadacaadda mucaaradka ee doorashada,” waxaa sidaas yiri sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Puntland oo codsaday inaan la magacaabin.

Midowga Murshaxiinta iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo mar xulafo ahaa ayaa u muuqday kuwa kala jeestay wixii ka dambeeyey billowgii doorashada Aqalka Sare.

Dhinaca kale, Golaha Mmidowga Murashaxiinta, oo shirar xasaasi ah ay uga socdaan magaalada Muqdisho, ayaa xalay qaboojiyey cabsidii laga qabay inay dhisaan gole qaran oo dalka maamula. 




Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo shir jaraa’id qabtay kulankii shalay kadib, ayaa sheegay in tallaabada koowaad ee ay qaadayaan ay tahay inay wada-hadallada fursad siiyaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment