Wakiilka FEIT ee Koonfur Galbeed oo ka horyimid go’aankii guddiga doorashada

Bulsha:- Yuusuf Maxamed Khayr (Guurow) oo ah xubin ka mid ah guddiga doorashooyinka ee heer federaal, isla-markaana guddiga wakiil uga ahaa doorashadii ka dhacday Baydhabo ayaa ka horyimid go’aankii shalay kasoo baxay guddiga ee lagu baabi’iyey natiijada kuraasta HOP154 iyo HOP103 oo cabasho xoogan ay ka timid.

Guurow ayaa sheegay in isaga iyo xubno kale oo ka socda guddiga doorashada ay goobjoog ahaayeen doorashada kuraastaas, kana soo horjeedo hakinta lagu sameeyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wax talo ah uusan ku laheyn go’aanka soo baxay, maadaama uu isagu ahaa wakiilka FEIT ee doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo.

“Dadka waala qaybshay oo qoloba meel ayaa loo diray, aniga waxa aan hoggaamiye u ahaa Guddiga FEIT ee Koofur Galbeed loo diray, waxa aan goobjoog Doorashada uga ahayn 19 xubnood oo kala ah 4-xubnood oo FEIT ah, 4 ka socotay Guddiga xalinta & 11 kale oo SIET Koofur Galbeed ah,” ayuu yiri Yuusuf Maxamed Khayr (Guurow).

Waxa kale oo uu intaasi kusi daray in go’aankan ay u arko mid lagu qancinayo shaqsi gaar ah, isla-markaana laga heelay dano kale oo siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigau.


“Go’aankaan waxa aan u aragnaa mid lagu qancinayo shaqsi, cilladda lagu diiday kursiga HOP#154 ee ah in Gabar da’ ahaan yar ay ka qaybgashay dadka muuqaal ahaan way yaraan karaan balse waxa ay ahayd in si hoose loo fiiriyo,” ayuu markale sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo shalay guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashada kursiga HOP154 oo uu ku soo baxay Maxamed Cabdalla & HOP103 oo loo doortay Maxamed Xasan Cali, balse uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment