Madaxweynaha Puntland oo kala furfuris ku bilaabay Saraakiisha Ciidamada PSF

Bulsha:- Agaasimaha hay’adda PSF uu dhawaan u Magacaabay Madaxweynaha Puntland ee aan xilka lagu wareejin  S/ Guuto Amiin Xaaji Kheyr ayaa Taliska Cusub ee Ciidanka PSF kusoo dhaweeyay Agaasime ku-xigeenka ahnaTaliya Guud ee Ciidanka PSF G/Sare Cabdiraxmaan Ilig iyo G/Dhexe Cabdirisaaq Cali Duulane (Garaadka).

Agaasime ku-xigeenka Hay’adda PSF ayaa wada-hadallo sababtay in uu usoo wareego waxaa uu la galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Maamulka Puntland.

Sidoo kale Agaasimaha PSF oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo danbiyada culus iyo saraakiil ka tirsan ciidanka PSF iyo Daraawishta ayaa yeeshay kulan gaar ah oo ay uga wada hadleen sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay xilka qaadistii Agaasimaha Hay’adda PSF.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu waday qorshayaal uu ku kala furfurayo saraakiisha Ciidamada Puntland si uusan dagaal uga dhicin Magaalada Boosaaso.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment