Adama Barrow oo dib loogu doortay madaxtinimada dalka Gambiya

Bulsha:-  Guddiga doorashooyinka dalka Gambiya ayaa sheegay in Adama Barrow ku guuleystay doorashadii dalkaas  ka dhacaday Sabtidi.

Guddiga ayaa sheegay in Barrow helay 53% codadkii la dhiibtay halka uu helay hogaamiyaha mucaaradka Osino  Darboe 27%.

Taageerayaasha Adama Barrow ayaa isagu soo baxay waddooyinka waaweyn ee dalkaas si ay ugu dabaal degaan guusha ay ka gaareen doorashooyinkii dhacay.

Mucaardka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheehay inay diidanyihiin natiijada la shaaciyay, waxeyna ku eedeyn dowladda  wax isaba marin iyo masuq maasuq .

Doorashadaan ayaa tijaabo u ah hannaanka dimuquraadiyada dalka Gabiya oo kasoo kabanayaa xukunkii kalitalisnimada ee Yahye Jaamac oo dalkaas xukumaayay in ka badan 20 sano.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment