Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in uu socdo diyaar garowga Shirka golaha wadatashiga qaran

Bulsha:- Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu socdo diyaar garowga Shirka golaha wadatashiga qaran ee dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu furmi doono Shirka, islamarkaana inta badan Madaxda maamulada ay soo gaareen Muqdisho.

Warka kasoo baxay xukuumadda ayaa siddaan u qornaa:

Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan.

Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.

Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment