Sawirro:- Axmed Madoobe oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho?

Bulsha:- Madaxweynaha Jubbaland Mudane  Ahmed Mohamed Islaam, (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Axmed Madoobe waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka ah iyo dadweyne kala duwan.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga arimaha doorashooyinka ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale waxaa saacad ka hor isna soo gaaray Muqdisho Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ka qeyb galaya shirka Rooble, iyadoo horeyna ay magaalada u joogeen madaxda Galmudug iyo Hirshabelle Qoor-qoor iyo Guudlaawe.














Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment