Dowlada Itoobiya oo ka carootay talaabo uu qaaday Maraykanka, kana dalbatay..

Bulsha:- Itoobiya ayaa ka dalbatay Mareykanka inuu xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah la sameeyo halkii uu Kenya kala hadli lahaa arrimo khuseeya dalkooda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in xukuumadda Washington iyo waddamada kaleba ay soo dhaweynayaan inay wadashaqeyn dhinaca diblomaasiyadda la wadaagaan Itoobiya.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ku guuleysatay inay ilaaliso madaxbannaanida Itoobiya iyadoo dusha u ridaneysa cadaadiska uga imaanaya Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay islamarkaana dhiirrigelineysa dhaqdhaqaaq dalalka Afrika,” ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa u muuqday inuu gudbinayay farriin ka turjumeysa sida ay Addis Ababa uga carootay tallaabada uu qaaday Mareykanka.


“Halkii ay arrimaha khuseeya Itoobiya u qaadi lahaayeen meel saddexaad, waxaan ku casuumeynaa Mareykanka iyo dalalka kaleba in ay si toos ah noola macaamilaan annaga,” ayuu yiri Mufti.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment