Galmudug oo ganaax culus dul dhigtay 6 kamid xildhibaanada maamulkaas

Bulsha:- Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal  Warqad uu u diray Wasaaradda Maaliyadda Galmudug kuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Galmudug qaarkood Mushaarka laga jarto.

Warqaddaan ayaa lagu sheegay in 6 Xildhibaan laga joojiyey gunadda 2 bil iyo ka qeybgalka 4 Fadhi.

Xildhibaanadaan ayaa la sheegay in ay diideen in ay noqdaan kuwa taageersan Madaxweyne Qoorqoor oo aan waxba ka sheegin dhaliilaha maamulka Galmudug.

Xildhibaanadaan ayaa lagu eedeeyey inay carqalad ku noqdeen kulamada Baarlamaanka , waxaana sidoo kale lagu eedeeyey been abuur.

Xildhibaanada ayaa lagu amray inay raali gelin qoraal ah iyo mid Oraah ah ay ka bixiyaan waxyaabiha lagu eedeeyey.

Magacyada lixda Xildhibaan ayaa kala ah:

1 – Xildhibaan Cabdullaahi Xirsi Maxamed

2 – Xildhibaan Axmed Cabdirisaaq Cabdullaahi

3 – Xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cusmaan

4  – Xildhibaan Cabdulqaadir Cabdullaahi Bariise

5 – Xildhibaan Mursal Maxamed Yuusuf

6 – Xildhibaan Daahir Cabdi Shiiqow











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment