Xog: Xiisada Mucaaradka iyo Rooble oo meel sare gaartay iyo tallaabo ay qaadayaan

Bulsha:- Waxaa sii xumaanaya oo haatan heerkii ugu hooseeyey gaaray xiriirka Ra’iisul wasaare Rooble iyo golaha midowga musharaxiinta mucaaradka, waxaana markii ugu horeysay musharaxiinta ka soo baxay qoraal ay si wadajir ah ugu eedeeyeen, uguna cambaareeyeen doorka doorashada ee Ra’iisul Wasaaraha.

Golaha ayaa bayaankoodii ugu dambeeyey ku sheegay in Rooble uu uga baxay balan ay la galeen, kadib markii ay kala shireen boobka doorashada, balantu waxay aheyd in la hakiyo doorashadaan boobka ah oo shir deg deg ah ay isugu yimaadaan Rooble iyo madax goboleedyada, kadibna go’aan cad uu Rooble kula soo laabto musharaxiinta.

Bayaankii ay musharaxiinta ku qaadaceen doorashada socota waxay ku xuseen in R/Wasaare Rooble uu ka baxay balantaas, islamarkaana uu bogaadiyey madaxda dowlad goboleedyada loo heysto boobka doorashada baarlamaanka federaalka.

Sidoo kale midowga musharaxiintu waxay Rooble ku eedeeyeen inuu amray in doorashadu sii socoto, isagoo ka codsaday, balan qaadna ka helay madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo HirShabeelle inay doorashada golaha shacabka deg deg u bilaabaan

Hadda mucaaradku waxay cadeeyeen in doorashadaan ay u aqoonsadeen mid la boobayo, qeybna aysan ka noqon doonin, sidoo kalena ay qaadayaan taallaabooyin ka dhan ah waxa socda.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qaba in lagu laabto doorashada qaar ka mid ah kuraasta dooran ee xildhibaanada golaha shacabka, taas oo ay adagtahay si ay uga suurta gasho nidaamka Villa Samalia, warar hoose waxay sheegayaan in goluhu uusan go’aankaan u dhameyn, lamana oga doodaas halka ku dambeyn doonto, balse waxaa jira beelo weli rajo ka qaba in kuraastooda la boobay dib loogu soo celiyo ka talinta masiirkooda.

Doorashada golaha shacabka oo ka bilaabatay Muqdisho, Dhusuamareeb iyo Baydhaba ayaan la mahadin hanaanka loo maamulay, waxaana markii cabashada mucaaradka laga soo tago cirka ku shareeran qeylo dhaanta beelo ay doorashada ugu awood sheegteen madax goboleedyada qaar, kuwaas oo weli doonaya in loo soo celiyo ka talinta masiirka kursigooda xildhibaan.

Beelaha qaar, sida Waceysle iyo Mareexaanka dega Galmudug waxay ka gaartay inay ku goodiyaan ‘waxaan ka go’eynaa Galmudug’ waxayna weli rajo uga jirtaa in habraaca doorashada dalka loo maro doorashada kuraastooda, oo sida ay sheegeen hadda loo boobay rag gaar ah.

Xiisada ka dhalatay boobka doorashada ayaan la saadaali karin heerka ay gaari doonto, maadaama mucaaradku ka carooday, ra’iisul wasaaruhuna amray in lasii dedejiyo doorashada, taas oo ka dhigan in sidaan lagu sii wado, cabsida ugu weyn waa in gacan ka hadal uu ka dhasho hanaanka ay wax ku socdaan.


Midowga murashaxiinta ayaa hadda ka fakara inay si toos ah xiriirka ugu jaraa Rooble lana meel dhigaan Farmaajo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment