Ciidanka NISA oo galabta kaxeystay murashax xildhibaan oo ka hor yimid…

Bulsha:- Wararka ay heshay Warqaad ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Taliska Hay’ada NISA galabta kaxeysteen Musharrax Xildhibaan C/kariin Cali Gabeyre oo caan ka ah Muqdisho iyo deegaanada ku dhaw.

Gabeyre oo lagu yaqaanay rugta ganacsiga soomaaliyeed islamarkaana wax badan uu raadinayey in xildhibaan golaha shacabka uu noqday.


C/kariin waxa uu ka mid ahaa dadkii dhawaan dacwada ka gudbiyay hannaanka loo maray kursiga HOP#067 oo loo doortay Gaashaanle sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Fareey).

Odayaal iyo murashaxiin uu ka mid yahay Gabeyre ayaa kursigaasi dacwadiisa oo taallo Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee doorashooyinka gudbiyey kaas oo la ogeyn go’aanta guddiga qaadan doonaan.

Waxa ay sidoo kale xoguhu sheegayaan in Gabeyre la geeyay Taliska NISA ee Habar Khadiijo iyadoo uu dalbaday in loo keeno Yaasiin Fareey.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment