XOG: Villa Soomaaliya oo lacag badan ku bixineysa Kursiga Kulane uu doonayo

Bulsha:- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhaqaale badan ku bixineysa sidii ay kuraas xildhibaano uheli lahaayeen inta badan xubnaha ka ag dhaw Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Boor uu ku sawiran yahay Cabdullaahi Aadan Kulane ayaa la taagay kaas oo shaaciyey inuu doonayo xildhibaanimo golaha shacabka Soomaaliya sanadkaan.


Kursiga uu doonayo Kulane waxaa hadda ku fadhisa Nadiifa Faarax Jaamac iyadoo xasaanad uu ku raadsanayo uu xeyndaab kaga galo eedo loo soo jeedin karo.

C/llaahi Kulane oo ahaa Agaasimaha Shaqaalaha Hay’ada NISA ahaa ayaa bilo ka hor waxaa xilka ka qaaday R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble kadib khilaaf jiray.

Kursiga deegaan doorashadiisu tahay dhuuso mareeb ayaa madaxweyne Farmaajo waxa uu beesha ku siinayaa lacag si Nadiifa booskeeda loogu bedelo Kulane.

C/llaahi Kulane ayaa ka mid ah saraakiishii lagu soo eedeeyey inay ka dambeeyeen in la dilo oo weli raq iyo ruux lagu heynin Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd Sargaal katirsan NISA oo la waayey 26-kii June Sanadkaan,inkastoo guddiga baaritaanka loo xilsaaray ay dembi ku weysay saraakiishii la eedeeyey ee Yaasiin Fareey,Fahad Yaasiin iyo C/llaahi Kulane.




Warar soo baxay oo ay warqaad heshay ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoor qoor uu ballan ku qaaday in lasoo saari doono Kulane oo kursiga Xildhibaanimada uu raadinayo loo xiri doono.

Sanadkaan Xildhibaanada golaha Shacabka baarlamaanka 11aad waxaa kasoo muuqan doona saraakiil ciidan oo Nabad iyo nolol ay dooneyso inay xasaanad helaan hadii ay waayaan xukunka Dalka oo mar kale Farmaajo la hor istaago dib loo soo doorto.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment