Wararkii ugu dambeeyay ee xiisada Deni & PSF iyo dal soo fara-geliyay

Bulsha:- Xiisada maalmihii u dambeysay ka dhex aloosneyd Agaasimaha hay’adda PSF iyo madaxweynaha maamulka Puntlnad ayaa si weyn u qabowday saacadihii u dambeeyay.

Sida ay Caasimada Online u sheegen saraakiil sare oo ka tirsan hay’adda PSF, Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaan oo ah mas’uulka xil ka qaadistiisa ay sababtay xiisada uu qorsheynayo in uu xilka iska wareejiyo.

Agaasime Maxamuud Diyaan ayaa tallaabadaas qorsheynaya kadib wada-hadalo illaa hadda aan si dhab ah loo ogeyn ay dhex-mareen isaga iyo Saraakiisha Mareykanka.

Illa hadad ma jiro wada-hadal rasmi ah oo dhex-maray maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Saciid Deni iyo Agaasimaha, waxaana xiisada hoos u dhigay Saraakiisha Mareykanka ee wada-hadalka la yeeshay Diyaan.

Saraakiisha ayaa ka soo xigtay Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano inay dhammaatay arrintii u dhexaysay isaga iyo dowladda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa socda dadaalo lagu dhex-dhexaadinayo dowladda iyo PSF, kuwaasi oo ay wadaan Isimada maamulkaas, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la kulmaan dhinaca hay’adda PSF.

Isimada ayaa shalay kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaasi oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka amniga Puntland oo kal hore hanjabaad culus hawada u mariyay ciidamada PSF.


Xiisadii maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosneyd madaxweyne Deni iyo Agaasime Diyaan ayaa waxay si weyn u saameysay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi, inkasta oo hadda ay xaaladu ay degan tahay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment