Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho

Bulsha:- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay ugu dambeysay sanadkii 2017, xilligaas oo markii uu xilka Ra’iisul Wasaarenimo wareejiyay dalka ka tagay, waxaa uu ahaa Musharaxii kaalinta 4aad galay doorashadii 8 February, inkastoo uu wareeggii labaad tanaasulay.

Cumar C/rashiid ayaa waxaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah Xubnaha Midowga Musharaxiinta iyo Mas’uuliyiin hore.

Iasagoo kula hadlay saxaafada garoonka diyaaradaha ayaa waxaa uu sheegay in xaalad xasaasi ah uu dalka ku jiro, waxa hadda socda ee qaladaadka doorashada ka jira uu salka ku haayo habraacii doorashada ee August, mar uu is lahaa doorashada iyo Midowga Musharaxiinta ayaa ku biiri doontaa, balse xaalada ay hadda cakiran tahay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment