Somaliland oo joojisay mashaariicda Hay’adaha UN-ka ka fuliyaan degaannadeeda

Bulsha:- Somaliland ayaa sheegtay in ay iska joojisay mashaariic Qaramada Midoobay ay bixiso oo ay sheegtay in ay wax u dhimayaan gooni isku taagooda iyo madax bannaanidooda.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa sheegay in iyadoo Somaliland ka ka fekeraysa madax bannaanideeda in ay hakisay dhammaan wixii mashaariic ahaa ee UN-tu ka qabanaysay.

Wasiir Saleebaan ayaa sheegay in mashaariicdan ay dareemeen in ay meel ka dhac ku yihiin masiirkooda gooni isku taaga.

“Waxaanu isweydiinay ma waxaad qaadataan, wax madax bannaanidiina iyo dadka doonistooda waxyeeleeya, oo ah mashaariic yaryar oo UN-tu bixiyaan, mise dadka madax bannaanidoodii ayaad u ilaalisaan, loona dhiman maayo mashaariicda UN-tu bixiso,” ayuu yiri wasiir Koore.

Wasiirku ma sheegin nuuca ay yihiin mashaariicda la joojiyay iyo sida ay dhaawac ugu yihiin madax bannaanida Somaliland. Balse wuxuu carabaabay in ay jiraan mashaariic la siyaasadeeyay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment