Ciidamada Booliska Puntland oo fuliyay howlgal dad lagu qab qabtay

Bulsha:- Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgal qorsheysan waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen xaafado ka tirsan Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

Ciidamada ayaa howlgalkooda waxaa ay ku baarayeen Guryaha qaar iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka isticmaalaya, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Togdheer ee Puntland Fatxi Cabdikariin ayaa sheegay in howlgalkaan loogu magac daray xasilinta Magaalada, isla markaana looga hortagayo kuwa falalka amni darro geysta iyo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale Taliyaha wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay siweyn u adkeeyeen Amniga Magaalada Buuhoodle, sidoo kalena ay kusoo kordhiyeen bara koontorool oo Gaadiidka lagu baarayo, wuxuuna ka codsaday Bulshada inay Ciidamada kala Shaqeeyaan augida Amniga

Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa ay soo martay gacanta Maamulo kala duwan, waxaana dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed walo bilihii la soo dhaafay Amniga Magaalada uu soo hagaagayay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment