Al-Shabaab oo ‘gubtay’ tuulooyin ka tirsan degmada MAHADAAY + Sababta

Bulsha:- Xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta dab qabad siiyey guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla tuulooyin hoostaga degmada Mahadaay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Tuulooyinka la gubay ayaa waxaa ka mid ah Diinlaawe iyo Mansuur, waxaana halkaas isaga barakacay, ka hor inta aan la gubin qoysaskii ku noolaa oo u badnaa beeraley.

Wararka ayaa sheegaya in arrintan ka dambeysan, kadib markii duleedka Mahadaay lagu dilay laba oday dhaqameed oo ka mid ahaa dadka deegaanka, balse fulinayey amar kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ahaa in la baabi’iyo beero la’isku heesto oo ku yaal halkaasi.

Dilka odayaasha ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyeendad beeraleyd ah oo ka carooday in la burburiyo beerahooda oo ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan, kadibna waxaa la sheegay in gudaha galeen Diinlaawe iyo Mansuur dagaalyahanada Al-Shabaab oo gubay guryo ku yaal deegaanadaas oo hoostaga degmada Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe.

Qoysaska barakacay ayaa haatan gaaray deegaanada oo kale oo ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, balse aysan joojin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Shabeelaha iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan falkaasi.

Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli degmooyin iyo deegaano ka heesta Al-Shabaab oo amaro adag dul-dhigta dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment