Xasan Sheekh oo soo bandhigay qodob ay hordhigeen Golaha Wada-tashiga Qaran

Bulsha:-  Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ahaa xubnihii Midowga musharixiinta mucaaradka uga qeyb galay kulankii ay Xalay la yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa sheegay in kulankaas looga hadlay sida doorashada looga hor leexin lahaa caqabadaha hor gudban.

“ Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran & Midowga Musharaxiinta waxaan uga wada hadlnay sida doorashada looga hor leexi lahaa caqabadaha ku hor gudban.  Midowgu waxa uu soo jeediyay in kulan fool ka fool ah la isugu yimaado si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu yiri Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in mowqifka midowga musharixiinta uusan waxba iska badalin illaa laga fuliyo waxyaabihii looga wada-hadlay kulankii Xalay.

“Kulankii xalay waxa uu ahaa tallaabo dhinaca saxda ah loo qaaday laakiin mowqifka Midowga Musharaxiinta waxba is kama baddalin ilaa billowgaas fiican uu miro dhal noqdo” ayuu sii raaciyey.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay kulan fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirkaan oo ku qabsoomay aalada Zoom-ka ayaa lagu iclaamiyey shir ka dhici doona Muqdisho oo ay isugu imaanayaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, si looga arrinsado dhameystirka doorashooyinka

“Wadahadal iyo falanqeyn dheer kadib xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka waxay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardar-galiyo qabashada doorashooyinka kuraasta dhiman iyo in Golaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arrinsanayo dhammeystirka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment