Rooble oo shaqada ka eryay xubno ka mid ah Guddiga xalinta khilaafka doorashooyinka

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka kadib markii ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo iyagoo ku milmay siyaasadda isla-markaana ay baal mareen xeer anshaxa doorashada.

Xubnaha Shaqadda laga ceyriyay waxaa ku jira Gudoomiyaha Guddiga xalinta Khilaafka doorashada  Xuseen Laki Maxamuud.

Rooble ayaa sheegay in xubnahaan ay ku milmeen siyaasadda ayna ku fashilmeen in ay dhexdhexaad noqdaan.

Xubnahaan cusub ee shaqada laga ceyriyay ayaa tiradoodu dhan tahay 7 xubnood, waxaana lagu badalay xubno cusub.

 

1. Xuseen Laki Maxamed Maxamuud
2. Axmed Saciid Samatar
3. Maxamed Faarax Xersi
4 Nimco Axmed Cabdi
5. Cali Maxamuud Faarax (Seeko)
6. Cabdiramaan Maxamed Cali
7 Maxamed Ciise Heybe.

Qodobka 2aad
Waxaa la magaacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay kamid noqdaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyagoo beddelaya xubnaha kore ee xil ka qaadista lagu sameeyay

1 Ismail Maxamed Axmed
2 Fardowsa Mataan Buulle
3 Ayaanle Axmed Cabdulle
4 Bashiir Axmed Yusuf
5 Xasan Axmed Dhicisow
6 Axmed Barre Maxamed
7 Maxamed Cawil Warsame










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment