Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid go’aan caalami ah oo ka dhan ahaa Ethiopia

Bulsha:- Guddiga arrimaha xuquuqul Insaanka ee qaramada midoobey ayaa sameynaya koox soo baara tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee laga sheegayo kooxaha ka dagaalamaya waqooyiga Itoobiya.

Golaha ayaa meelmariyey qaar arrinkaas la xiriira jimcihii kadib markii ay codsadeen 50 dal, waxaa uuna guddiga baari doonaa dhammaan tacadiyada dhacay iyada oo farta lagu fiiqi-doono cidda mas’uulka ah ka aheyd.

“Xafiiskeenu waxaa soo gaaraya warbixinno lagu kalsoon karo oo muujinaya in tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka ay kooxaha geysanayaan” waxaa sidaa tiri Nada Al-nashif oo ah ku-xigeenka golaha.

21 dal ayaa ogolaaday qaraarka ay iska diideen 15 dal. Dalalka diiday qaraarka waxaa ka mid ahaa Soomaaliya, Ruushka, Shiinaha, Cameroon, Eritrea, Sudan iyo Senegal

Soomaaliya ayaa la tuhmayaa in ciidamdeeda ay garab siiyeen Abiy Axmed oo ah ra’isul wasaaraha Itoobiya, waxaana laga yaabaa in ay ka mid noqoto kooxaha tacadiyada ka geystay gudaha Itoobiya.

Geeska Afrika, maamullada Farmaajo iyo Afewerki ayaa si indho la’aan ah u taageero Abiy iyaga oo lagu eedeeyey iney ciidamo u direen halkaas.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment