Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Boosaaso

Bulsha:- Dagaalkii ka socday magaalada Boosaaso ayaa hadda qaboobay iyadoo rasaas goos-goos ah weli la maqlayo

Inta la xaqiijiyay dowladda waxa ka dhintay hal askari waxaana ka dhaawacmay lix kale.

Ciidanka ku sugan xarunta PSF waxaa inta la xaqiijiyay ka dhaawacmay 8 askari.

Shacabka waxaa la xaqiijiyay hal qof oo maydkiisa la geeyay isbitaalka iyo dhaawaca 7 ruux oo kale.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii u dambeeyay Baydhaba joogay ayaa lagu wadaa in uu Galabta dib ugu laabto caasimadda Garoowe.

Lama oga in Madaxweynuhu ka hadli doono dagaalka Boosaaso iyo in kale.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment