Puntland oo sheegtay in ciidamada Gorgor ay qeyb ka yihiin dagaalka Boosaaso

Bulsha:- Iyada oo ay wali xaalad kacsanaan ah ka taagan tahay magaaladda Boosaaso ayaa maamulka Puntland waxa uu Dowladda Dhexe ku eedeeyey in ay qeyb ka yihiin Dagaalka ka socdo Magaaladda Boosaaso una dhaxeeyo ciidan ka amar qaato Saciid Deni iyo ciidanka PSF.

Duqa Boosaaso, Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deera-dile oo dowladda u hadlay ayaa sheegey in ciidamada Gorgor ay hoobiyayaal ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada Boosaaso.

Duqa Boosaaso ayaa sheegay in ciidamada PSF oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa diiday amarka madaxweynaha Puntland ay dagaalka bilaabeen.

Cabdiqani ayaa sheegay in ciidamada uu hoggaaminayo Maxamed Cabdullaahi Diyaano ay diideen waanwaantii socotay sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ku eedeeyey inay Magaalada ku garaaceen hoobiyeyaal si ay u barakiciyaan dadka shacabka ah.

Wuxuu sheegay in maamulka Puntland uu ka dhammaaday dulqaadka isla markaasna ay hadda diyaar u yihiin inay awood ciidan u adeegsadaan.

“Meelaha ay joogaan ayaa loogu tagayaa, hal guri ayay ku jiraan oo ka dagaalamayaan, hoobiyayaal ayay meel walba ku rideen, dhibaatada ay shacabka u geystaan waxaa masuul ka ah kooxda amardiidka ah” ayuu yiri Duqa magaalada boosaaso.

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa kacsan, iyadoo weli halkaas uu ka socda dagaalka u dhaxeeya ciidanka amniga iyo kuwa PSF, waxaana jira dad badan oo shacab ah oo ku dhaawacmay rasaasta la isweydaarsanayo.


Boqolaal qoys ayaa sidoo kale guryahooda uga barakacay dagaalka socda. Qaar kaloo badan ayaa awooddi la’ in ay guuraan, iyadoo  jidadkii ka xirmeen.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment