Faahfaahin ku saabsan dagaalka Boosaaso oo sii xoogeystay iyo PSF oo….

Bulsha:- Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socda iska hor imaad u dhaxeeya ciiddanka amniga Puntland iyo ciiddamo daacad u ah agaasimihii hore ee ciiddanka PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya rasaas culus oo laga maqlayo xaafaddaha magaalada Boosaaso, waxaana xaafaddaha xabbadu ka socota ka qaxaya dadka shacabka oo horey halkaas u daganaa.

Lama oga cidda bilowday dagaalka, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in ciiddanka Puntland ay weerar ku qaadeen taliska guud ee hay’adda PSF, halkaas oo ay isku urursadeen ciiddanka PSF.

Dagaalkada ayaa saameyn ku yeeshay xarunta Ciidamada PSF, madaxtooyada Boosaaso iyo aaggaga u dhow iyadoo ciidamada dagaalamayo ay yihiin kuwa aad isugu dhow difaac ahaan.

Ciidamada PSF ayaa la sheegay inay duqeyn xoog leh u geysteen Xarunta Madaxtooyada Boosaaso taasoo keentay inay isaga baxaan ciidamadii daacadda u ahaa Saciid Deni ee halkaas ku sugnaa.

Waxaa lasoo sheegayaa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  ka dhashay iska hor imaadka socda, welise lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Wada hadalo muddooyinkii ugu dambeysay loogu jiray in lagusoo afjaro xiisadaha Boosaaso ayaa guul daraystay, kadib markii labada dhinac ay ku heshiin waayeen go’aanno kasoo baxay Isimada.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment