Dowladda Ingiriiska oo u hanjabtay mid kamid ah maamul Goboleedyada dalka

Bulsha:- Dowladda Ingiriiska ayaa joojin doonta taageerada ay siiso ciidamadda maamulka Koonfur Galbeed haddii ay ku lug-yeeshaan arrimo siyaasadeed, sida ay shaaca ka dhigtey danjire Kate Foster.

Foster oo marti ku ahayd Madasha Aragti-wadaaga Garowe Online ee Twitter-ka ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in doorashooyinka ay noqdaan kuwa daahfuran oo waqtigooda ugu qabsooma si daacad ah.

Sida laga soo xigtey Foster, xukuumadda London waxaa ka go’an in ay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya si dib loogu dhiso ciidamadda qaranka.

“Waxaan ka dalbanayaa hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay ka fekeraan in ka baxsan danahooda gaarka ah,” ayay ku tiri nuqul kamid ah hadal-jeedinta ay sameysay.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah maamuladda illaa haatan bilaabay xulista xubnaha Aqalka Hoose. Musharaxiinta madaxtinimadda waxay dureen qaabka ay ku bilaabatay coddeynta ayaga oo dalbadey sixid.

“Waxaan naga go’an in aan ka caawino Soomaaliya in ay dib u dhisto ciidamadeeda, balse haddii ciidanka aan ku tababarno

Baydhabo ay ku lug-yeeshaan siyaasadda maxaliga ah, waxaan joojin doonaa tababarka iyo taageeradda waana kasoo bixi doonaa

[magaalada],” ayay raacisay.


Hanjabaadda boqortooyadda Ingiriiska ayaa kusoo beegmaysa xilli qaar kamid ah madaxda Soomaalida ay Baydhabo u joogaan



ka qeybgalka xafladda dabaaldega sanad-guuradda 3aad ee doorashadda Cabdicasiis Laftagareen.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment