Cudur sidaha Omicron oo kusii baahaya Mareykanka

Bulsha:- Saraakiisha caafimaadka Mareykanka ayaa sheegay in tafiirta cusub ee cudurka COVID-19 ee Omicron uu hadda ka dheereeyay nuuca Delta oo ahaa kan ugu badan ee ay u dhimanayeen ama isbitaallada loo geynayay dadka Mareykanka bilooyinki ugu danbeeyay.

Xarunta Xakameynta iyo Kahoryagga Cudurrada ee Mareykanka ee loo soo gaabiyo CDC ayaa Isniinti sheegtay, in 70 boqolkiiba kiisaski la diiwaangeliyay todobaadki hore ay noqdeen cudursidaha Omicron ee Covid-19.
Gobolka New York oo kaliyah, 90 boqolkiiba ayay gaareen kiisaska cusub ee dadka uu ku dhacayo Omicron, waxaa kasii badan gobollada Koofurbari, kuwa warshadaha caanka ku ah ee Galbeedkadhexe iyo gobollada kulaala badda Baasifiga.

Saraakiisha caafimaadku waxay ka digeen in kiisasku ay cirka isku shareeri karaan, marka la gaaro fasaxa ciidda masiixaga ee dhamaadka bishaan December ama wixi ka danbeeyo. Dadka ayaa looga digay safarrada iyo goobaha la isugu yimaado.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment