Siciid Deni oo Diyaarad deg deg ugeysey galabta Garowe & Abaabul uu bilaabay

Bulsha:- Madaxweynaha Dawlad gobolleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta gaaray Magaalada Garowe kadib safar uu Baydhabo ugu maqnaa.

Garoonka diyaaradaha Garowe ayaa si deg deg ah markii diyaarada uga degtay ay xarunta madaxtooyada ugalbiyeen ciidanka gaarka ah Madaxweyne Deni.

Hadda waxaa shir albaabada uxiran leh saraakiisha Amniga ugu sareysa iyo madaxweynaha iyadoo Wasiirada aadka ugu dhaw Deni ay goob joog ka yihiin.

Waxa laga arinsanayaa xaalada kasoo korortay Boosaaso oo maanta dagaal uu ka dhacay ciidanka PSF ayaana guulo sheegtay inay gaareen.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Deni uu amar ku bixiyey in lasoo qab qabto saraakiisha iyo ciidanka udagaalamaya PSF kuwa loo arko inay dawladnimada dhib ku yihiin.


Dagaalka boosaaso oo la isku gabal dhacsaday ayaana la ogeyn xaalada halka ay ku dambeyn doonto iyadoo khasaaraha ugu badan ay Shacabka soo gaareen.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment