Amiirka Dubai oo Maxkamadi ay amar ku siisay in xaaskiisii hore uu siiyo 700 oo milyan oo dollar

Bulsha:- Maxkamad sare oo ku taal London ayaa hoggaamiyaha Dubai ku amartay in lacag ka badan 700 oo milyan oo dollar uu siiyo xasiiskiisii hore, Amiirad Haya Binti Hussein oo dalka urudun u dhalatay.

Magdhowga furriinka la xiriira ee lagu xukumay Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum ayaa ah kii ugu badnaa oo maxkamad Ingiriis ahi ay waligeed xukunto.

Amiirad Haya Binti Hussein ayaa 2019-kii ka carartay Dubai oo gashay Ingiriiska, ayadoo sheegtay in nafteeda ay kala soo carartay Sheikh Mohammed oo ay nolosheeda u baqday.

Sheikh Mohammed ayaa sida maxkamaddu amartay bixin doona 300 oo milyan oo dollar oo horumaris ah, wuxuuna intaa ka dib si joogta lacag u siin doonaa 2-da carruurta ah ee ay isu dhaleen.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment