War Deg Deg:- Dagaalka Boosaaso oo xoogeystay, khasaaraha jira & dhimashada +SAWIRRO

Bulsha:- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo weli ka soconaya magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaas oo u dhexeeya ciidammada Amniga Puntland iyo Ciidanka Hay’adda PSF.

Dagaalka oo bilowday saacado kahor ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, kaas oo soo gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dad shacab ah. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhimashadu ay gaarayso ilaa 8 ruux, halka dhaawacu uu intaas ka badan yahay.

Ciidammada Puntland ayaa xiray dhamaan waddooyinka gudaha magaalada Boosaaso, iyo kuwa soo gala magaalada, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidammo cusub lagu daabulay agagaarka Madaxtooyadda iyo xarunta ciidanka PSF.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Puntland, kuwaas oo ku aadan dagaalka ka soconaya Boosaaso.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment