Daawo: Nin Soomaali ah oo xaaskiisii hore ka faafiyey muuqaal anshax xumo ah oo xukun adag lagu riday

Bulsha:- Maxkamadda degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun xabsi iyo ganaax lacageed ah isugu dartay Cali Xabiib Maxamed oo lagu soo eedeeyey inuu muuqaal anshax xumo ah ka faafiyey haweeney ay kala tageen.

Ugu horeyn xeer ilaalinta ayaa soo jeedisay gal dacwadeedka eedeysanaha, waxayna sheegtay in Cali uu qirtay inuu faafiyey muuqaal ay isku qarsadeen xaaskiisii hore.

Farxiyo Maxamed Aadan oo ah haweeneyda ay kala tageen Cali ayaa u dacwootay hey’adaha garsoorka Puntland ee degmada Burtinle, kadib markii ay baraha bulshada ku aragtay muuqaal anshax xumo ah oo seygeedii hore uu ka faafiyey.

Eedeynta kadib, xeer ilaalinta ayaa maxkamadda u soo jeedisay in Cali Xabiib lagu xukumo laba sano oo xabsi ah iyo 5,000 oo dollar oo ganaax ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Burtinle Maxamuud Jaamac Mire oo ugu dambeyntii xukunka kiiskaas ku dhawaaqay ayaa Cali Xabiib Maxamed ku xukumay laba sano oo xabsi ah iyo 3,000 oo dollar oo ganaax ah.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment