Waxaan hadda Imaam ka ahay Misaajidkii aan mar doonayay in aan ku xasuuqo Muslimiin badan

Bulsha:- Qisada Richard McKinney oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka ayaa soo jiidatay dad badan oo caalamka ku nool, kuwaas oo aad ula dhacay qaabka uu isu badelay fikirkiisa iyo noolasha ninkan.

Richard McKinney oo horay uga tirsanaa ciidanka gaarka ah ee Mareykanka ee loo yaqaano Marines-ka, kana soo dagaalamay bariga dhexe ayaa dagaaladii uu soo galay waxa ay ku dhalisay in uu naceyb u qaado dadka heysta diinta Islaamka.

“Waxaa jirkeyga ka buuxay naceybka aan u qabo diinta Islaamka, waxaan necbaa waxwalba oo la xiriira Islaamka, waxaan sidoo kale necbaa qofka aaminsan diinta Islaamka, waxaana aaminsanaa in diinta islaamka ay lamid tahay cudurka kansarka, dhibaatana ku tahay dunida”, ayuu yiri Richard oo ka shekeenayay marxaladii u soo maray iyo waxa uu ka aaminsanaa diinta Islaamka.

Richard isagoo 25 sano jir ayaa lagu qasbay in uu ka fariisto ciidamada Mareykanka, maadaama uu kusoo dhaawacmay dalka Ciraaq oo uu ka dagaalamayay, oo waxaa uu sidaas ku noqday hawlgab. Cadowgiisa koowaad waxaa uu xiligaas u arkayay in ay tahay diinta islaamka, waxaana ku dhashay go’aan ah sidii uu uga aargoosan lahaa dadka heysta diinta islaamka.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment