UK: Wasiir hore oo British ah oo loo haysto inuu xaaskiisa kufsaday

Bulsha:- Wasiir hore oo ka tirsananaan jiray dowladda Xisbiga Conservative-ka ayaa waxaa lagu helay inuu kufsaday oo uu jir ahaan dhibaato garsiiyay xaaskiisa.

Xaakimka maxkamadda qoyska ayaa go'aan ku gaaray in Andrew Griffiths, oo 51-jir ah, uu cadaadis ku saaray Kate Griffiths, oo ah xildhibaanka degmada Burton-upon-Trent, inay galmo la samayso.

Mr Griffiths, oo ah xildhibaankii hore ee magaalada Staffordshire, ayaa adeegsaday "hab dhaqan qasab iyo xakamayn isugu jira".

Bishii July ee 2018 ayuu xilka iska casilay kaddib markii la sheegay inuu farriimo "aanan wanaagsanayn" u diray laba haween ah.

Xildhibaankan hore ayaa gaashaanka u daruuray eedaha ay soo jeedisay Ms Griffiths waxa uuna si "cad oo aan gabbasho lahayn u diiday" inuu kufsaday.

Xaakim Elizabeth Williscroft ayaa dhagaysanaysay dacwadda u dhaxaysa Mr iyo Ms Griffiths, kuwaas oo haatan ku kala tagay, maxkamad gaar ah oo qaadda arrimaha qoyska oo ku taal magaalada Derby.

Xaakimka ayaa xogta ay soo heshay waxa ay doodda u ridday dhinaca Ms Griffiths hasayeeshee waxa ay go'aansatay in aanay shacabka u faafin, si loo ilaaliyo cannuga ay isu dhaleen.

Xaakim ka tirsan Maxkamadda Sare, ayaa sikasta oo uu xaal ahaadaba, waxa uu xukumay inay tahay in la daabaco xogta ay soo heshay Xaakim Williscroft, kaddib markii ururrada warbaahinta ay ku doodeen in danta bulshada ay ku jirto in xogtaas la daabaco.

Ms Griffiths ayaa tallaabadaasi taageerta, middaas oo Mr Griffiths uu diidanaa, waxaana ay ogolaatay in magaceeda lagu sheego warbixinnada warbaahinta, walow dadka dhibbanaha u ah xadgudubyada galmo ay sharciyan xaq u leeyihiin in magacooda la qariyo.

Kate Griffiths ayaa xildhibaan loo doortay bishii Nofeembar 2019

Mar ay hadlaysay kaddib markii xaakimiinta racfaanka ay go'aamiyeen suuragalnimada in xogta la shaaciyo, ayaa Ms Griffiths waxa ay sheegtay inay "soo dhawaynayso" go'aanka kaddib kiiska qoyskeeda galiyay "xaaladda dareen iyo midda dhaqaalaba".

Waxa ay sheegtay inay ka tanaasushay xaqii ay u laheyd in magaceeda la qariyo "sababtoo ah waxaan ogsoonahay xaaladdayda gaarka ah ee aan ku doonayo inaan ku horumariyo waxyaabaha ka soo baxaya kiisaska noocaasi ah, dadka u dulqaata xadgudubyada ka dhaca guryaha iyo tallaabooyinka lagu dhowraba carruurta arrimahaas ku lugla leh".

Mr Griffiths - oo xildhibaan ka soo noqday degmada Burton iyo wasiirkii ganacsiyada yaryar, marna ra'iisul wasaarihii hore Theresa May u soo noqday madaxii shaqaalaha - ayaa xilka iskaga casilay eedo ah inuu erayo culus ku yiri haweenay 28-jir ah oo ka shaqaynaysay hoteel iyo saaxiibkeed.

Guddiga dhowro anshaxa baarlamaanka ayaa ninkaasi ku waayay dambiga, iyagoo sheegay in aanay soo helin wax caddayn ah.

Ms Griffiths ayaa la wareegtay booskii uu banneeyay ee Xisbiga Conservative-ka oo waxa ay isu sharraxday kursigaas waxaana la doortay bishii Nofeembar ee 2019. Markaas ayaa waxa ay ku dhawaaqday inay ninkeeda iska furayso.


Xaakimka ayaa sheegtay in Ms Griffiths "ay afkeeda iiga caddaysay" in Mr Griffiths "uu kufsaday mar uu baashaal dhexmaray".

Waxa ay sheegtay in eedaha Ms Griffiths lagu "xaqiijiyay" "jawaabihii" Mr Griffiths.

Ms Griffiths ayaa sheegay in kufsigu uu bilowday mar ay huruday.

Marka la eego muddada dhacdooyinka lagu soo bandhigay xukunka, lama shaacin taariikhda dembiyada la geystay.

Garsooraha ayaa loo sheegay in lammaanahan ay is guursadeen sanadkii 2013 kaddib markii ay shan sano lahaayeen xiriir, isla markaana Ms Griffiths ay ka war heshay khiyaano uu sameeyay Mr Griffiths oo ay ka mid yihiin "xiriir gogol-dhaaf oo muddo dheer socday" oo uu qof kale la lahaa iyo "diridda farriimo galmo ku saabsan".

Xildhibaanadda, oo caddeymaha ku soo bandhigtay shaashad laga daaray maxkamadda uu dhegeysiga ka socday si ay aysan u arkin Mr Griffiths, ayaa sidoo kale ka cabatay "tacaddi jireed".

Garsooraha ayaa sheegtay inay ogaatay in caddeymahaasi ay yihiin "kuwo la xaqiijiyay".

Garsooraha ayaa sidoo kale ogaatay in Mr Griffiths uu qadaan qadiyay Ms Griffiths xilli ay xaamilo culus ahayd.

Mr Griffiths ayaa qoraal ku yiri: "Aad ayaan uga niyad jabsanahay in Maxkamadda Racfaanka ay oggolaatay in dacwadda ay ka sii socoto maxkamadda qoyska.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment