Xog: Fahad Yaasiin oo beeshiisa la shiray & natiijada kulanka kasoo baxday

Bulsha:- Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warqaad ayaa sheegaya in odayaal & waxgarad kasoo jeeda beesha reer aw xasan la kulmeen Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa ku saabsanaa jagada xildhibaanimada beesha in sanadkaan la siiyo Fahad uuna codsaday iyaguna odayaasha ay ballan uqaadeen in lasoo saaro.

Kursigaasi waxaa ku fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir hase ahaatee sanaadkaan waxa uu la kulmayaa cadaadis weyn oo kursigaasi ah.

Lataliyaha Amniga qaranka Ee Madaxweyne Farmaajo bishii September magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa lacag badan ku bixinaya sidii kursiga xildhibaanimada loo siin lahaa.

Madaxtooyada gaar ahaan Xafiiska Farmaajo ayaa doonaya in Fahad,Kulane & Xubno kale oo aad ugu dhaw Xafiiskiisa Xildhibaan lagu soo saaro iyadoo la adeegsanayo dhaqaale badan.

Hore waxaa lagu guuleystay in kusimaha agaasimaha Hay’ada NISA Gaashaanle sare Yaasiin Cabdullaahi Fareey ayaa xildhibaanimo lagu soo saaray deegaan doorashadiisa Galmudug oo dhuuso mareeb lagu qabtay balse waa la hakiyey natiijada doorashadaasi.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment