Haweeney xildhibaan ah oo xijaab iyo indho shareer kaga badbaaday Taliban

Bulsha:- Haweenkii baarlamaanka dalka Afgaanistaan ayaa naftooda la baxsaday markii Taalibaan ay xukunka la wareegtay iyadoo kaliya sagaal ka mid ah 69 haween ahaa oo baarlamaanka ka tirsanaa ay ku harsan yihiin gudaha dalka.

Xiligaan oo dunida ay ku kala baahsan yihiin ayaa qaar badan oo ka mid ha haweenkan waxay rabaan inay sii wadaan dagaalka loogu jiro xuquuqda haweenka oo ay hiigsanayaan inay dhisaan haween isku xiran oo dbadda jooga isla markaana xoogga saara xuquuda haweenka.

Kooxda ugu badan, oo tiradoodu tahay 22 haween ah ayaa ku sugan dalka Giriiga. Waxa kale oo jira kooxo kale oo haween ah oo iyaguna ku sugan Albania, Turkiga iyo Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah haweenkii hore ee baarlamaanka oo isku diyaarinaysa inay soo noqoto ayaa sheegtay in marka ay timaado wax ka qabashada dibadda ay arrintaasi adagtahay hase yeeshee ay muhiim tahay in gudaha laga sameeyo tallaabooyin ku wajahan wax u qabashada dumarka dalkeeda Afghanistan.

Mashid, ma aha magaceeda saxda ah waxay gashay dhuumasho isla markiiba ka dib markii Taaliban ay la wareegeen dalka. Laba habeen oo isku xigta hal guri may seexan."Ma aysan dooneyn in ay halis u galiso in qoyskeeda ay geyso garoonka diyaaradaha ee Kabul, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad badan, jahwareer badan iyo in ka badan hal qarax, sidaas darteed ma jirin waddo sahlan oo dalka looga baxo. "Albaabada Afgaanistaan way xidhmeen," ayay tidhi.Muddo ay dhuumaalaysanaysay Mashid waxa ay xiratay indhashareer, iyada oo gebi ahaanba wejiga ka daboolatay Taaliban, basna la raacday carruurteeda. Markii hore waxay u jiheysteen Gobalka Herat, ka dibna waxay aadeen xuduudka Iran.

"Waxay ku fiican yihiin Taalibaan dumarka kuma qasbaan inay feydaan wajigooda daboolan," ayay tiri Mashid.

Mashiid ayaa sheegtay in ay hubaal tahay haddii Taaliban aqoonsan lahaayen markii ay dhuumashada ku maraysay jidgooyooyinka in la xiri lahaa. Balse saraakiisha Taalibaan ma aysan ka fileyn in Xildhibaannada haweenka ah ay gashanayaan dhar jirkooda daboola sida ay sheegtay.

"Waxay umaleynayeen in aysan gudaha dalkaba joogin oo ay qaxeen dhamaan siyaasiinta haweenka ah."

Toban maalmood kadib oo ay safar ku joogtay gudaha dalka Iraan, Mashid hadda waxay ku sugan tahay dalka Turkiga. Balse hadda ma rabto inay sii joogto sababtoo ah waxay ka walaacsantahay in mas'uuliyiinta Turkiga aaney u oggaalan doonin in dhaq-dhaqaayo siyaasadeed ay ka sii waddo gudaha dalkaasi.

Waxay doonaysaa in ay sii waddo gaarsiinta caalamka dhibaatooyinka naxdinta leh ee ay wajahayaan gabdhaha iyo haweenka dalka Afghanistaan isla markaana ay u olaleyso sidii arrintaa isbadel loogu sameyn lahaa. Hadda way is qarinaysaa iyadoo ka cabsi qabto in la waxyeelleeyo ehelkeeda oo wali ku sugan gudaha dalka Afgaanistaan.

Haweenay kale oo lagu magacaabo Serina (sidoo kale mana ahan magaceeda dhabta ah) waxaa diyaarad loogu qaaday dalka Jarmalka iyada, ninkeeda iyo ilmo saddex bilood jir ah oo ay dhashay.

Ka hor inta aysan ka tagin Afgaanistaan ​​waxay qabtay cudurka qaaxada, waxaana hadda ay qaadataa dawooyin, iyadoo ku jirta xero ay joogaan dadka magangalyo doonka ah.Waxa ay sheegtay in aanay waligeed ku fikirin inay dalkeeda ka cararto, waxaanay dareemaysaa inay hadda joogto dal aanay waligeed booqan oo ah waddan aanay ku hadlin luuqadiisa."Waxaan soo maray maalmo qaraar, welina xaalad xun ayaan ku jiraa, laakiin mar kasta oo la i xasuusiyo dhibaatooyinka uu qof kasta oo Afgaanistaan ​​ahi hadda ku jiro, waxaan illaawaa xanuunkayga," ayay tiri.Su'aal kama taagna ku noqoshada Afgaanistaan, Serina ayaa tiri. Waxay sugaysaa oo keliyaa in ninkeeda iyo ilmaheeda loo raro guri cusub oo ku yaalla mid ka mid ah magaalooyinka dalka Jarmalka ah oo ay ka bilaabi karaan noloshooda mar kale, iyagoo samaynaya wax kasta oo ay awoodaan si ay u sii wadaan xiriirka dalkii ay ka soo qaxeen."Waxaan ku soo koray dagaal iyo darxumo," ayay tiri. "Laakin waxaan ilmahayga ku korin doonaa isla dhaqanka, caadooyinka, iyo dareenka dalkayga hooyo."


Qaar badan oo ka mid ah mudanayaasha ayaa jeclaan lahaa inay tagaan dalka Canada, oo mas'uuliyiintiisu sheegeen inay qaadan doonaan 5,000 oo Qaxooti reer Afgaanistaan ah.

Balse meel kasta oo ay tagaan inta badan Xildhibaanadu, sida Mashid, waxay rabaan inay sii wadaan u halgamida xuquuqda haweenka. Mid ka mid ah ahdaafta ay isku raacsan yihiin ayaa ah in la sameeyo "baarlamaan dibad joog ah oo waliba haween ah " si indhaha dunida loogu soo jeediayo ku xadgudubka xuquuqda haweenka Afgaanistaan iyo in la sii wado cadaadiska Taliban.Tani waxay ahayd fikrad ay soo bandhigtay mid ka mid ah hay'adihii gacanta ka geystay abaabulka daadgureynta haweenka xildhibaanada ah ee Afgaanistaan.

Shinkai Karokhail sidoo kale waa taageere. Waxay ahayd danjirahii Afgaanistaan u fadhiyay Canada ka hor inta aan loo dooran baarlamaanka ay meesha ka saareen Taliban, hadda waxay ku nooshahay bannaanka magaalada Toronto iyadoo oo dalkaas ka dalbatay magangalyo.

Waxay tiri, "waxaan lumiyay gobolkaygii subaxdii ,galabtiina madaxwaynahaygii," iyada oo qeexaysa dhacdooyinkii degdega ahaa ee 15-kii bishii Ogoosto". Shinkai Karokhail ayaa ka digaysa in haweenka baarlamaanka ay tahay inay meel iska dhigaan khilaafkooda, haddii ay doonayaan inay wax gaaraan.

Elay Ershad oo ku nool Guri yar oo ku yaalla bannaanka magaalada Amsterdam, ayaa iyana la halgamaysa nolasha oo waxay ku dhibaatoonaysaa helitaanka cuntooyinkii dalkeeda ee ay garanaysay.

Elay Ershad ayaa xubin ka ahayd baarlamaankii ugu dambeeyay ee Afgaanistaan, balse waxa ay horey u ahayd xildhibaan in ka badan toban sano, kadibna waxay noqtay afhayeenkii madaxweyne Ashraf Ghani. Talibanka ayaana xayiray akoonkeeda bangiga kadib markii ay la wareegeen, waxayna dalka kaga baxday duulimaad ganacsi bishii Sebtembar.

Waxay hadda isku diyaarinaysaa inay soo noqoto, iyadoo rajaynaysa inay iska ilaaliso in Taliban ay xiriirkeeda helaan, waxayna ka shakisan tahay fursadaha ay isbedel ku samayn karto ee dalka Afgaanistaan.

"Suurtagal maaha in laga shaqeeyo waddamo kale ama dibadda, waa inaan joognaa gudaha Afgaanistaan" ayay tiri. iyada oo hahadlkeeda sii wadata ayay tiri ",waan in aan helno Afgaanistaan".Qorshaheedu waa in ay la shaqeyso NGO-yada caalamiga ah si ay u abuurto dugsiyo ay wax ku bartaan gabdhaha oo ay u doodaan xuquuqda haweenka ee waxbarashada, xitaa haddii taasi ay hoos tagayso dawladda Taliban.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment